Ra’iisul wasaare Kheyre iyo madaxda maamul goboleedyada oo ku wajahan Garoowe

Saacadaha soo socda ayaa waxaa lagu wadaa in ra’iisul wasaaraha Xasan Cali kheyre iyo madaxda dowlad goboleedyada ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug inay tagaan magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad goboleedka Puntland.

Sababaha safarkooda Garoowe ayaa waxaa lagu sheegay inay ka qeyb galaan Aaska Qaran ee loo sameynayo ra’iisul wasaarihi hore ee dowladii ku meel gaarka aheyd Xasan Abshir Faarax iyo madaxweynihii hore ee Puntland marna soo noqday madaxweyne kuxigeenka Puntland Maxamed Cabdi Xaashi.

Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Galmudug ayaa Xorriya Online u xaqijiyay safarka ra’iisul wasaare Kheyre iyo madaxda dowlad goboleedyada ee ku tagayaa Garoowe.

Waxaa sidoo kale la filayaa in guddiga qaban qaabada Aaska Qaran ee ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya oo uu dhawaan magacaabay ra’iisul wasaare Kheyre saacadaha soo socdo tagi doonaan Garoowe.

Xasan Abshir ayaa 12kii bishaan ku geeriyooday magaalada Ankara ee dalka Turkiga oo uu muddooyinkii dambe uu u joogay daaweyn iyo daryeel caafimaad.

Maxamed Cabdi Xaashi oo ahaa madaxweynihii labaad ee Puntland ayaa waxuu isna ku geeriyooday magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya.

Labadaan mas’uul ayaa lagu wadaa in maanta Aas Qaran loogu sameeyo magaalada Garoowe, waxaana la filayaa in madax badan iyo mas’uuliyiin hore ay ka soo qeyb galaan janaasada labadaan marxuum.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email