Nin hubeysan oo carruur iyo haween ku laayey duleedka Muqdisho

Waxay faahfaahin ka soo baxaeysaa nin ku hubeysnaa qori Ak47 oo xalay weerar ku qaaday reer deganaa guri ku yaalla deegaanka Tabeelaha Sheekh Ibraahim ee duleedka Muqdisho.

Dad goobjoogaal ah ayaa ku warramay in ninka hubeysan uu rasaas xoogan ku furay caruur iyo haween ku sugnaa guriga, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyey 4 qof ayaa goobta ku geeriyootay, halka 5 qofna ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen. Dadkaan ayaa dhammaantood ahaa isku qoys.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ninka weerarka geystay uu xidid la ahaa reerka, gabar ayuu ka qabay reerka.

Dadka deriska ayaa gurmad iyo caawin degdeg ah u sameeyey reerka, waxaana markii dambe soo gaaray goobta ciidamo booliis ah.

Ninkii ayaa ka baxsadey goobta uu dilka ka geystay inta ay ciidamada soo gaarin.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email