Meydka ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo laga soo dejiyay Muqdisho ‘sawirro’

Allah u naxariistee, meydka Xasan Abshir Faarax, ayaa hadda laga soo dejiyay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cabdulle, ee magaalada Muqdisho, waxaana salaadda janaasada ka qeybgalay madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Sidoo kale, waxaa ka qeybgalay salaadda janaasada mas’uuliyiin kala duwan oo goliyaasha dowladda ka tirsan, kuwaas oo si weyn u maamusay meydka Allaha u naxariistee, Xasan Abshir Faarax oo dhowaan ku geeriyooday dalka Turkiga.

Xasan Abshir Faarax, ayaa xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii hore sida, ra’iisul wasaare, duqa caasimadda Muqdisho, xildhibaan qaranka iyo xilal kale.

Allah u naxariistee, Xasan Abshir Faarax, ra’iisul wasaarihii hore ee dalka ayaa meydkiisa loo sii qaadi doonaa magaalada Garoowe ee Puntland halkaas oo lagu aasi doono.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email