Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo lagu aasay Garoowe

Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo toddobaadkan ku geeriyooday magaalada Nayroobi ayaa maanta lagu aasay magaalada Garoowe ee caasimadda maamul goboleedka Puntland.

Aaskan waxaa ka qayb galay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, iyo madaxweynayaasha Jubaland Axmed Maxamed Islaan, Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-qoor, iyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, issimo iyo mas’uuliyiin kale oo heer gobal iyo Federaal ah.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email