Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo geeriyooday

Alle ha u naxariiste Maxamed Cabdi Xaashi madaxweynihii labaad ee Puntland ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi

Marxuumka oo ka mid ahaa aasaasayaashii Puntland waxaana uu noqdey Madaxweyne kuxigeenkii u horeeyey ee Puntland yeelato, sidoo kale waxa uu noqdey Madaxweynaha Puntland, kadib markii madaxweynihii Puntland loo doortey in uu noqdo Madaxdweynaha Dowladda Federaalka. Rabbi ha u naxariistee Xaashi ayaa muddooyinkii dambe ku xanuunsanayey magaalada Nairobi, halkaas oo uu ugu dambayn ku xijaabtay.

Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni ayaa ka tacsiyeeyey geerida Maxamed Cabdi Xaashi wuxuuna alle uga baryey inuu janooyinkiisa ka waraabiyo, sida ay baahisay madaxtooyada Puntland.

“Alle ha u naxariistee Madaxweynihii hore Dowladda Puntland Marxuum Maxamed Cabdi Xaashi wuxuu ka mid ahaa Aasaasayaashii kasoo shaqeeyay dhismaha Puntland, sidoo kale waxaa uu soo noqday Madaxweyne Ku-xigeenkii ugu horeeyay ee Puntland” ayaa lagu yiri qoraalka Madaxtooada Puntland.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email