Madaxweyne Muuse Biixi oo dalab go’aan ka gaaris u gubdiyey Maxkamadda Sare

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa la filayaa in saacadaha soo socdo uu Maxkamadda Dastuuriga ee Somaliland uu u gudbiyo dalab culus oo ku saabsan inay soo saarto go’aan lagu fasaxayo in tirakoob la’aan la qabto doorashooyinka la filayo in ay Somaliland ka dhacdo.

Wararka la helay ayaa waxaa ay sheegayaan in arrintaan ay ka dambeysay, kadib markii natiijo la’aan uu kusoo dhamaady kulan gaar ah oo ay yeesheen madaxweyne Muuse, madaxweyne kuxigeenka Cabdiraxmaan Seylici, madaxda xisbiyada siyaasaddu iyo hoggaanka dhaqanka ee gobalka Awdal oo looga arrinsanaye in doorashada soo soco loo dareero iyada oo dadka ku nool Somaliland la tiro koobin.

Xisbiyada siyaasadda Somaliland ayaa dhowaan ka heshiiyey khilaafaad u dhexeeyey oo caqabad ku ahaa doorashada, waxaana sidoo kale Madaxda Xisbiga talada haya ee Kulmiyo uu dadaal u galay in tirakoob la’aan la qabto doorashada.

Sannadkii 2005-tii  ayaa maxkamadda sare ee Somaliland soo saartay go’aan ah in inta doorashada dambe aan la gaarin la sameeyo tirakoob guud oo lagu salaynayo saamiqaybsiga kuraasta wakiillada.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email