Madaxweyne Farmaamjo oo ka tacsiyeeyay geerida madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee marxuum Maxamed Cabdi Xaashi oo ku geeriyooday dalka Kenya.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu kaalin mug leh ka soo qaatay aasaaska dowlad goboleedka Puntland, isaga oo noqday madaxweynihii labaad iyo sidoo kale madaxweyne Kuxigeenkii ugu horeeyey ee hoggaamiya maamulka Puntland.

“Inaa lillaahi wa innaa ilahayhi raajicuun, marxuum Maxamed Cabdi Xaashi waxa uu ahaa odey Soomaaliyeed oo ay ku weyn tahay dowladnimada dalka iyo dib u soo celinteeda. Alle waxaan uga rajeynayaa in uu hoygiisa ka yeelo Janatul Firdowsa, samir iyo iimaanna innaga siiyo.”

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa si gaar ah ugu tacsiyeeyey madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Dani, madaxweyne Kuxigeenkiisa Puntland Axmed Cilmi Cismaan, bulshada Puntland, gaar ahaan qoyskiisa oo uu u horeeyo wiilkiisa Cabdiraxmaan Maxamed Cabdi Xaashi iyo ehelada uu ka geeriyooday Alle ha u naxariistee Marxuumka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email