Madaxweyne Farmaajo oo si weyn loogu soo dhoweeyay magaalada Dhuusamareeb ‘sawirro’

Madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goor dhow gaaray magaalada Dhuusamareeb.

Wafdiga uu horkacayo madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay mas’uuliyiin uu ugu horeeyo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, madaxda maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koofur Galbeed.

Madaxweynayaasha Maamulada Jubbaland iyo Puntland ayaan ka qeybgalin soo dhoweynta madaxweynaha sababo la xiriiro iyagoo ka maqan magaalada Dhuusamareeb.

Shirkan oo loo asteeyey in uu ku qabsoomo magaalada Dhuusamareeb ayaa ku saabsan hannaanka geeddi socodka siyaasadeed iyo amni ee dalka, iyadoo madaxdu ay ka arrinsanayaan qodobbada muhiimka u ah dowlad dhiska dalka oo ay ugu horreyso qabsoomidda doorasho waafaqsan dastuurka, sharciga doorashooyinka iyo xeerarka dalka.

Booqashada madaxweyne Farmaajo ee Dhuusamareeb ayaa ka dambeeysay, kaddib markii madaxda dowlad goboleedyada ay madaxda dowladda federaalka ugu baaqeen in ay ka soo qeyb galaan wajiga labaad ee shirka ka dhici doono Dhuusamareeb oo laaga hadli doono arrimada doorashooyinka iyo amniga.

Inta la ogyahay waa markii ugu horreysay ay madaxda dowlad goboleedyada ku dhiiragaan ayna ku guuleystaan in madaxweyne xilka haayo shir ay qorsheesteen ugu baqaan in uu ku soo biiro.

Shirkii Dhuusamareeb ay madaxda dowlad goboleedyada ayaa ka dambeeyey kadib shirkii uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo balse ee qabsoomi waaye sababo la xiriiro kadib markii ay madaxda maamul goboleeyada Puntland iyo Jubbaland ay diideen.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Dhuusamareeb waxa uu kulamo gaargaar ah la qaadan doonaa madaxda dowlad goboleedyada, waxgaradka iyo bulshada rayidka ah.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email