Madaxweynaha Puntland oo loo doortay guddoomiyaha xisbiga Kaah

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdulaahi Deni ayaa xubnaha xisbiga Kaah maanta u doorteen inuu noqdo Guddoomiyaha xisbigaas oo ka mid ah ururada siyaasadeed ee ka jira Maamul Goboleedka Puntland.

Ergooyin ka tirsan Urur Siyaasadeedka KAAH, oo ka kala yimid dhammaan Gobollada Puntland, ayaa Guddoomiyaha rasmiga ah u doortay Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Urur Siyaasadeedka KAAH, ayaa isna loo doortay Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan, halka Guddoomiye ku xigeenka labaad loo doortay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirashiid Yuusuf Jibriil.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email