Madaxweynaha Hirshabeelle oo soo gaaray magaalada Muqdisho

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo malmihii la soo dhaafay ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa Galabta soo gaaray magalada Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho waxaa wafdiga Madaxweyne Waare kusoo dhaweeyay xilibaano ka tirsan Hirshabelle, siyaasiin iyo mas’uuliyiin katirsan dowladda Faderaalka Soomaaliya.

Waa madaxweynihii labaad ee ka tirsan dowlad goboleedyada kajira dalka ee soo gaara Muqdisho, kadib xilka qaadistii ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Saacado ka hor ayaa waxaa soo gaaray Muqdisho madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye, Qoorqoor.