Madaxweynaha Galmudug oo magacaabay xubnaha guddiga farsamada Galmudug ee doorashooyinka dalka

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa caawa magaaabay labada Xubnood ee Galmudug ku matalaya guddiga farsamo ee ka baaraandagaya hannaanka doorashooyinka dalka.

Labadan xubnood ee uu magacaabay Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ah siyaasiyiin caan ah oo howlo kala gedisan dalka ka soo qabtay.

Labadan xubnood ayaa kala ah Kamaal Daahir Xasan Guutaale iyo Cabdi Maxamed Jaamac ( Cabdi waayeel).

Halkan ka Akhriso Wareegtada Madaxweyne Qoor Qoor

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye,
Markuu arkay ;  qodobka 50aad, Faqradiisa 4aad, ee Dastuurka Dowladda Galmudug, markuu tixgeliyey; qodobka 5aad ee war-murtiyeedkii kasoo baxay Shirkii Dhuusamareeb ee Madaxda Dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah.

Qodobkaas oo farayay in la magacaabo guddi farsamo oo ka kala socda Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowladdaha xubnaha ka ah, si ay uga talobixiyaan hannaanka doorashooyinka dalka.

Sidaas darteed, Madaxweynuhu wuxuu magacaabay xubnaha ku matali doona guddigaasi Dowladda Galmudug waxayna kala yihiin:-

1- Cabdi Maxamed Jaamac ( Cabdi waayeel)
2- Kamaal Daahir Xasan Guutaale.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email