Kusimaha ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed oo xilkii ugu horreyey magacaabay

Sii hayaha Xafiiska xa’iisul wasaaraha Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa u magacaabay xoghayaha joogtada ah ee xafiiskiisa Cabdirizaq Xuseen Aadan isagoo ka joojiyay shaqadii xoghayihii hore.

Magacaabidan ayaa timid waxyar kadib markii uu Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo u magacaabay Mahdi Maxamed Guuleed inuu si kumeel gaar ah u buuxiyo xilka ra’iisul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre oo xildhibaanada golaha shacabka maanta kala noqdeen codka kalsoonida.

Hase yeeshee waxaan weli ka hadlin kalsooni kala noqoshada Xasan Cali Kheyre oo la rumeysan yahay inuu la tashiyo la sameynayo la taliyaasha kadib markii uu gelinkii dambe ee maanta dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka lagu magacaabay xoghayaha joogtada ah ee xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email