khadka Internetka oo ka go’an Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka

Magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya iyo degaanno kale oo dalka ka mid ah ayaa waxaa maanta ka go’an yahay adeegga internetka.

Ilo-wareedyo kala duwan oo ayaa sheegaya inuu khadka internetka uu ka maqan yahay Muqdisho iyo gobollo kale oo ku yaalla bartamaha iyo koonfurta waddanka.

Adeegga internetka ayaa si caadi ah u shaqaynaya Puntland iyo degaanno kaleba.

Ilaa haatan ma cadda sababta ka dambaysa adeegga internetka ee maqan.

Farriin ay dirtay shirkadda Hormuud oo ah tan ugu weyn ee bixisa adeegga internetka ayey ku sheegtay inay ka cudurdaaranayso hakadka ku yimid adeegga internetka, sida lagu sheegay farriintaasi, waxayna shirkaddu sheegtay inay rajaynayso in lagu xalliyo muddo kooban. Hase yeeshee shirkaddu ma sheegin sababta keentay hakadka adeegga Internetka

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email