Ilaalada wasiirka Cadaalada Soomaaliya oo qof shacab ku dilay Muqdisho

Mid ka mid ah ilaalada wasiirka cadaalada xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta Muqdisho ku dilay howl wadeen ka tirsan xafiiska xeer ilaaliyaha qaranka, iyadoo askarigii dilka geystay la xiray.

Maxamed Cabdiqaadir Cilmi

Xeer Ilaaliyaha Qaranka Suleymaan Maxamed Maxamuud ayaa qoraal uu bartiisa Facebook soo geliyay ku shaaciyay in howladeen ka mid ahaa shaqaalaha xafiiskiisa oo lagu magacaabayay Maxamed Cabdiqaadir Cilmi in galabta lagu dilay Muqdisho, lana xiray askarigii dilka geystay.

“Marxuumku wuxuu kamid ahaa hawladeenada xafiiska, wuxuuna ahaa shaqsi firfircoon oo kart iyo howl karnimo ku sifoobay. Waxaan alle uga baryayaa in uu u danbi dhaafo, jannadiisana uu geeyo, Gacan-ku-dhiiglihii dilay marxuumka waa la xiray, waxaana socota baaritaan dilkii marxuumka”ayuu yiri Xeer Ilaaliyaha.

Marxuumka la dilay ayaa ahaa Agaasimaha Waaxda IT ee Xafiiska Xeer Ilaalinta, waxaana dad badan oo aad u yaqaana ku tilmaameen inuu ahaa nin dhalinyaro firfircoon oo howlkar ahaa.

Dilkan ayaa ka dhacay agagaarka Taree Biyaano ee Wadada Maka Al-Mukarama, waxaana gaari ay wateen askar ilaalo u aheyd Wasiirka Cadaaladda ay rasaas riday ay dishay howl-wadeenka ka tirsanaa Xafiiska Xeer Ilaaliyaha, waxaana markii dambe Ciidamo Milateri ahaa oo goobta ka ag dhowaa ay qabteen askarigii dilka geystay, kaasoo lagu xiray Xarunta CID.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email