Guddoomiye Mursal ayaa ka taciyeeyey geerida ra’iisul wasaarihii hore Xassan Abshir Faarax

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa Ka tacsiyadeeyey geeridi Ku timid Allaha ha unaxariistee ra’isal wasaarihi hore Xassan Abshir Faarax oo maanta ku geeriyooday dalka Turkiga ee uu maalmahaan ku xanuunsanaa.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman

“Anigo Ku hadlaya magaca xildhibaanada iyo Guddonka Golaha Shacabka Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxan tacsi tiiraanyo leh u direynaa dhaammam shacabka Soomaliyeed, gaar ahaan eheladii iyo qoyskii uu Ka baxay ra’isalwasaarihi hore ee dalka Xassan Abshir Faarax” ayuu yiri gudoomiyaha.

Isaga oo sii haadlayo ayuu raaciyey gudoomiye Mursal, “Alllaha ha naxariistee marxuumka waxa uu kuulin weyn Ka soo qaatay dowladnimada iyo dib udhiska dalkeena, waxaa Alle Subxaanahu Watacaala uga baryeynaa inuu naxriistiisa janno uu Ka waraabiyo, guud ahaan ummada Soomaliyed iyo anaguna samir iyo iiman Allah hanaga Siiyo” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska gudoomiye Mursal.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email