Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya oo ka horyimid go’aanadii shirkii Dhuusamareeb

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa ku gacan seyray go’aannadii kasoo baxay shirkii ay magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen madaxda maamul goboleedyada hoosta dowladda federaalka.

Guddoomiye Maxamed Mursal, “Xukuumadda iyo maamul goboleedyadaba go’aan kama gaari karaan doorashada”

Kulanka hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada ayaa laga soo saaray qaraar dhigaya in dalka ay ka dhacdo doorasho dadban. Hase yeeshee, guddoomiye Mursan ayaa sheegay in baarlamaanka uusan arrintaas aqbali doonin xilli uu ansixiyay sharciyadii doorashooyinka.

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka wuxuu hadalkan ka sheegay fadhigii maanta ay xildhibaannada golaha shacabka uga doodayeen akhrinta labaad ee sharciga axsaabta oo dib loogu soo celiyay golaha.

“Ma jirto meel ay sharciga uga qoran tahay in waqtigan la galo doorasho dadban. Dhammaan shuruucda la xiriirta doorashada waxay go’aannadooda u yaallaan golaha Shacabka. Maamul goboleedyada iyo xukuumadda federaalka wax saameyn ah kuma laha arrintaas,” ayuu yiri Mursal.

Meel ay ku qoran tahay ma jirto xilligaan in la aado doorasho dadban, wixii shuruuc ah ee doorasho lagu aadi lahaa waxaa iska leh Baarlamaanka malahan dowlad goboleedyada ayuu yiri Guddoomiye Mursal”.

Hadalka guddoomiye Mursan wuxuu daba socday war murtiyeedkii kasoo baxay shirkii ay magaalada Dhuusamareeb ku yeesheen madaxweyneyaasha shanta maamul goboleed ee federaalka, kaasoo ay ku sheegeen in guddiga doorashada ay waqti dheeraad ah u baahan yihiin sidaas darteedna hadda la doonayo in laga hadlo habkii ay ku dhici lahayd doorasho aan waqtigeeda ka dib marin.

Dadka sida wey ula socdo, una faaqido siyaasadda iyo isbadallada yimaado xilliyada doorashada Soomaaliya ayaa arrinkaan ku micneeyey in ay tahay khilaaf iyo kala aragti duwanaasho u dhaxeyso madaxda ugu sarreyso hay’adaha kala duwan ee dowladda sida madaxtooyada, baarlamaanka iyo xukuumadda.

Sida uu qotshaha iyo habraaca doorshada ayaa ah in doorashada Baarlamaanka Federaalka ayey tahay inay dhacdo dabayaaqada sanadkan, halka doorashada madaxweynahana ay ku beegan tahay bisha February ee sanadka xiga ee 2021-ka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email