Guddiga Doorashooyinka Qaranka Soomaaliya oo diiwaangeliyay xisbiyo cusub

Guddiga Madaxbanaan ee doorashooyinka Qaranka ayaa maanta Shahaadooyinka KMG ah ee diwaangalinta siiyay 8 xisbi oo ku biiraya xisbiyadii Guddiga uu horey u diwaangaliyay.

Guddiga ayaa diiwaan galiyay 8 xisbi oo cusub.

Munaasabadda xisbiyada lagu siinayay shahaadada oo ay ka qeybgashay guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka qaran Xaliimo Ismaaciil ayaa lagu qabtay qaab online ah iyadoo uu Guddiga aaladda ZOOM- ka u adeegsaday qabsoomidda Munaasabadaas.

Xisbiyada la diiwaangeliyay maanta ee la siiyay shahaadooyinka ayaa waxaa ay kala ahaayeen;-

1– Xisbiga Bulshada Dimoqaardiga Soomaaliyeed.
2– Xisbiga Nolosha iyo Cadaaladda.– Xisbiga Soomalinimo.
3– Xisbiga Walaalaha Midoobay.
4– Xisbiga Tubta Horumarka iyo Nabadda.
5– Xisbiga Isbahaysiga Mustaqbalka.
6– Xisbiga Soomalinimo.
7– Xisbiga Cadaaladda Horumarinta Dimoqaraadiyadda iyo Isqadarinta iyo 8-Xisbiga Badbaado Qaran.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email