Golaha Baarlamaanka Soomaaliya oo ka doodayo doorashada soo soco ee dalka

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa maanta kulankooda ugaga hadlaya doorashada dalka Soomaaliya iyadoo dhowaan ay guddi farsamo u saareen Madaxda dowlada federalka iyo Maamul goboleedyada kadib kulankii ay ku yeesheen magaalada Dhuusamareeb.

Xildhibaannada Golaha Shacabka waxaa lagu wargeliyay in ay ka qaybgalaan kulankaan xasaasiga ah ee muhiimka u ah qabsoomidda Doorashada dalka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, kuxigeenkiisa koowaad iyo xildhibaanno katirsan Golaha ayaa aad u dhaliilay shirarkii ka dhacay Magaalada Dhuusamareeb ee looga go’aan gaarayo doorashada,waxana uu guddoomiyaha golaha shacabka sheegay in go’aan ka gaarista doorashada dalka ay tahay mid u taal xildhibaanada golaha shacabka.

Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa dooddooda diirada ku saari doonaan nooca doorasho ee dalka iyadoo 27kii bishii hore ay golaha horgeysay labo nooc oo doorasho guddoomiyaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka dalka Marwo Xaliimo Ismaaciil Ibraahim.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email