Goddoomiyaha gobolka Banaadir oo ka qeyb galay gurmadka iyo badbaadinta dad uu guri qabaq la dumay

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ayaa xalay gaaray halka uu ku soo dumay guri ka kooban saddex dabaq degmada Xamar Weyne ee gobolka Banaadir.

Shaqaalaha gurmadka ee Banaadir ayaa ku guuleystay inay soo badbaadiyaan illaa 17 ruux oo ku soo dumay gurigan qadiimi ah iyadoo dadkaasi ay lix ka mid ah uu soo gaaray dhaawac.

Sidoo kale, waxaa halkaas tegey guddoomiye Kuxigeenada maamulka gobolka Banaadir ee arrimaha bulshada iyo howlaha guud, marwo Basma Caamir Axmed iyo Eng. Cumar Cali Cabdi oo uu la socday gudoomiyaha maamulka degmada Xamar Weyne Cabdiqaadir Maxamed C/abdiqaadir.

Gurmad xoog leh ayaa loo sameeyay dadkii uu ku soo dumay guriga saddexda dabaq ahaa waxaana ay sheegeen maamulka gobolka Banaadir inay baaritaan ku sameyn doonaan sababta keentay in dhismahaasi uu soo dumo.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email