Ganacsato lagu dilay magaalada Gaariso iyo rabrasho ka dhashay

Wararka ka imaanaya magaalada Gaarisa ee Gobolka Waqooyi Bari ayaa sheegaya in Ciidamada Booliska Kenya ay dileen labo qof oo Soomaali ah.

Dilkan ayaa ka dhacay Suuqa Xoolaha magaalada Gaarisa,halkaasoo Ciidamada Booliska ay soo galeen, iyaga oo baadigoobayay rag dambiilayaal ah, waxaana ay rasaas ay fureen ku dhintay labo qof oo Soomaali ah.

Xildhibaan Aadan Barre Ducaale oo laga soo doorto Gaarisa ayaa qoraal uu soo dhigay twitter ku sheegay in booliska ay Sabtidii toogasho ku dileen Aden Abdi Madobe iyo Muhiyadin Adow Shibin, intii lagu guda jiray “howlgal xarig”.

Ciidamada ayaa xiray Suuqa xoolaha Gaarisa, iyadoo dilka labada qof uu ka dhashay banaan bax rabshado watay oo ay dhigeen shacabka magaalada oo dalbanayay in cadaalad loo helo dilkaas.

Guddoomiyaha Magaalada Gaarisa Cali Bunow Qorane ayaa Bartiisa Twitter-ka ku qoray in gacanta lagu soo dhigo Saraakiisha dilka, lagana qaado tallaabo degdeg ah.

Suuqa weyn ee magaalada Gaarisa ayaa maanta xiran, waxaana dad ka carooday dilka labada qof ay taayaro ku gubeen waddooyinka laga galo suuqa, iyaga oo diiday in Suuqa la galo lagana baxo.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email