Gaalkacyo oo lagu qabtay nin ku eedeysan dilka 4 ruux oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Ciidamada booliska magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa maanta ku qabtay gudaha magaalada Gaalkacyo nin la aaminsan yahay inuu ka dambeeyay dil wadareed dhowaan ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho.

Ninkan oo lagu magacaabo Aweys Cismaan Cabdi ayaa loo haystaa dilka shan ruux oo toddobaadkii la soo dhaafay lagu diley deegaanka KM13.

Taliyaha qeybta booliiska gobalka mudug Gaashaanle dhexe Qaasim Shirdoon Cali oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inay la socdeen dhaqdhaqaaqa ninkan oo xalay soo gaaray magaalada Gaalkacyo.

Gaashaanle Dhexe Qaasim Shirdoon ayaa sheegay in sharciga la horgeyn doono sida ugu dhaqsiyaha badan.

Gudoomiyaha gobalka Mudug Cabdiraxmaan Cali Diiriye ayaa ku ammaanay ciidanka booliiska gobalka Mudug ay u hayaan bulshada isagoo ugu baaqay shacabku inay la Shaqeeyaan laamaha amniga si loo helo amni laysku haleyn karo.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email