Faahfaahin: Wiil Soomaali ah oo lagu dilay Ingiriiska

Alle ha u naxariistee magalada Leicester ee Ingiriiska waxaa lagu dilay muwaadin Soomaaliyeed balse heysta dhalashada dalka Holand, kaas oo lagu magacaabi jiray Xasan Cilmi Jaamac oo da’diisa lagu qiyaasay 19 ilaa 20 sano jir.

Dilka wiilka dhalinyarada ah ayaa sida la sheegay waxaa geystay dhalinyaro ku hubeysnaa tooreey, xilli uu ku sugnaa banaanka hore guriga uu ka deganaa magaalada Leicester ee dalka Ingiriiska.

Mid kamid ah Soomaalida ku nool magaladaas ayaa sheegay in ragga dilka geystay ay Soomaali kale ay ahaayeen, isla markaana lagu raad joogo.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi ku darayaan in goobta ay tageen ciidamo ka tirsan booliska, kuwaas oo markii dambe qabtay qof looga shakisan yahay dilka.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email