Faahfaahin: Mareykanka oo qirtay in ay duqeyn ku dileen shacab Soomaali ah

Taliska ciidamada Maraykanka ee ka hawlgala qaaradda Afrika ee AFRICOM ayaa soo saaray warbixin ku saabsan khasaaraha dadka rayidka ah kasoo gaara duqaymaha iyo baaritaankii uu talisku ku sameeyey.

AFRICOM waxay qiratay inay duqeymo ay ka geysteen ciidamadeeda nawaaxiga Jilib 2-dii Febraayo 2020-ka uu ku dhintey hal ruux oo rayid ah saddex kalana ay ku dhaawacmeen.

“Nasiib Darro, waxaan rumeysanahay in howlgaladeena uu ka dhashay dhimashada hal ruux oo rayid ah iyo saddex dhaawac ah kuwaasoo aan ahayn yoolka aan lahayn.”ayuu yiri taliyaha ciidamada AFRICOM Gen. Stephen Townsend.

“Waxaan ku dadaali doonaa sidii aan uga hortagi lahayn in howlgalada lagu doonayo in lagu soo celiyo xasiloonidii iyo amnigii dalka Soomaaliya inaysan waxyeelo ka soo gaarin dadka rayidka ah.”

Hore ayaa ciidamada AFRICOM waxa ay u qirteen in labo ruux oo rayid ah ay ku dileen dalka Soomaaliya bishii April saddex kalana ay ku dhaawacmeen horaantii sanadkii 2019.

Maraykanka ayaa howlgalo duqeyn cirka ah waxa ay ka wadeen sanadihii la soo dhaafay dalka Soomaaliya iyagoo duqeyntaas la beegsanayay kooxaha ka soo horjeeda dowlada Soomaaliya ee Al-Shabaab iyo Daacish.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email