Faafaahin: Mareykanka oo duqeeyn cirka ah ka fuliyey gudaha Soomaaliya

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ee AFRICOM iyo dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyey duqeyn cirka ah oo ka dhacday deegaan ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

Diyaarad ay leeyihiin ciidamada Maraykanka ayaa gantaalo ku weerartay bar koontorool oo Alshabaab ku leeyihiin degaanka Hantiwadaag ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraal ka soo baxay taliska ciidamada Maraykanka ayaa lagu shaaciyay in duqeyntaas lagu dilay mid ka mid ah dagaalyahanada Alshabaab iyadoo lagu burburiyey bartii Alshabaab ku lahayd halkaasi oo la sheegay inay ku dhibi jireen dadka ku socdaala wadadda u dhaxeysa Muqdisho iyo Sh/Hoose, loogana qaadi jiray lacago sharci daro ah sida warka loo dhigay.

Taliska AFRICOM iyo dowladda Soomaalioya ayaa sheegay in duqeyntan aysan wax waxyeelo ah kasoo gaarin dadka shacabka ah ee halkaas ku nool.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email