Dowladda Shiimaha ayaa Somaliland uga digtay inay xiriir la yeelato Taiwan

Dowladda Shiinaha ayaa si adag uga soo horjeesatay xiriirka ay shaaciyeen in ay sameysteen Somaliland iyo jasiiradda Taiwan oo uu adduunka u aqoonsan yahay in ay ka tirsan dalka Shiinaha.

“Uma oggolaanayno in qof, urur ama xisbi siyaasadeed midkoodna uu ka gooyo dhul Shiinaha, waqti kasta ama qaab kasta. Taiwan waa qayb ka mid ah Shiinaha oo aan laga goyn karin ayaa lagu yiri” warka kasoo baxay Safaarada Shiinaha ee Muqdisho.

War kasoo baxay Safaarada Shiinaha ee Muqdisho ayaa lagu shaaciyay in marnaba aysan ogolaan dooninin xiiir gaar ah lala yeesho Taiwan oo ay sheegeen inay Shiinaha ka mid tahay.

Heshiiska ay kala saxiixdeen Somaliland iyo Taiwan ayaa dhigayo oo kaliya in labada maamul ay xafiis matalo labada maamul ay kala furtaan magaalooyinka Hargeysa ee caasimada Somaliland iyo magaalada Taipei ee looga arrimiyo Taiwan.

Somaliland oo kamid ah dalka Soomaaliya ayaa in ka badan 30 Sano waxaa ay shaacineysay inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale walow weli aysan helin aqoonsi.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email