Dowladda Masar oo rabto in ay saldhig militari ka furato Somaliland

Waftigii toddobaadkan yimid Somaliland ee ka socday dowladda Masar ayaa la kulmay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo mas’uuliyiin ka tirsan xukuumaddiisa.

Ilo-wareedyo diblomaasiyaddeed ayaa xaqiijiyay in waftigaas uu isugu jiray diblomaasiyiin iyo saraakiil ciidan oo ka tirsan millateriga Masar, waxay xukuumadda Somaliland u soo bandhigeen in ay saldhig millatari ka sameystaan xeebaha Woqooyi ee Somaliland, iyagoo booqday qaar ka mid ah dhulka xeebta.

Sidoo kale inta uu kulanka socday aya waxaa lasoo bandhigay qorshe in Masar ay Somaliland ka caawiso dhanka horumarinta kalluumeysiga iyo waxbarashada.

Labada dhinac Somaliland iyo Masar waxaa kale oo ay is waydaarsan doonnaan laba xafiis oo heerkoodu sarreeyo oo ay ka kala furan doonaan caasimadaha Hargeysa iyo Qaahira.

Waftiga Masaarida ayaa isla shalayba dib ugu laabtay dalkoodii, iyagoo watay diyaarad khaas ah, taasi oo markii horey keentay Hargeysa, kadibna la qaaday.

Dhinaca kale, dawladda Itoobiya ayaa la sheegay in ay walaac xooggan ka muujisay arrintan maadaama khilaaf xooggan oo ku saabsan weliga Nile uu kala dhaxeeyo dawladda Masar.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email