Degdeg: Xasan Cali Kheye oo ku dhawaaqay inuu iska casilay xilka ra’iisul wasaaraha ‘daawo’

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo maanta mudanayaasha aqalka hoose ee Baarlamanka ay xukuumaddiisa kala laabteen kalsoonida ayaa waxa uu caawa ka hadlay arrintaas, waxa uuna ugu horreyn sheegay in wixii maanta ka dhacay Golaha shacabka ay ahaayeen wax baal marsan sharciga dalka, balse isagoo u turaya shacabka uu xilka iska casilay.

“Aniga oo og in waxii maanta golaha shacabka ka dhacay ay ahaayeen sharci-darro, aan loona marin hab-raacii saxda ahaa ee xil ka qaadis xukuumadeed, aniga oo og in aanay ku jirin ajendaha, aniga oo og in aan laga doodin, aniga oo og inaan loo codeyn, aniga oo og in aanay waafaqsanayn dastuurka iyo shuruucda dalka, haddana waxaan go’aansaday inaan anigu ummadda Soomaaliyeed u noqdo tusaale oo aan iska casilo xilka aan ummadda Soomaaliyeed u hayay,” ayuu yiri mudane Khayre.

Dhinaca kale, waxa uu soo hadal qaaday waxyaabihii xukuumaddiisa u qabsoomay intuu uu xafiiska joogay, waxa uuna sheegay iney si wanaagsan uga shaqeeyeen arrimaha dib u habeynta ciidamada qaranka, bixinta mushaaraadka dowladda iyo in xukuumaddiisa sharciyadii ugu badnaa ay geysay Baarlamanka.

Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo aad loo sugayay hadalkiisa, ayaa waxa uu dhinaca kale sheegay in intii uu xafiiska joogay uu ku dadaalay, ka shaqeynta nidaamka maaliyadda ee dalka, waxa uuna hoosta ka xariiqay in laga gaaray guulo waaweyn. Ugu dembeyn wuxuu mahad-celin ballaaran usoo jeediyay madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isagoo uga mahad-celiyay wada shaqeyntii dhex-martay iyo ugu horreyn inuu xilkaas u gartay .

Ugu dembeyn waxa uu bulshada Soomaaliyeed u rajeeyay guul, waxa uuna ka codsaday iney cafiyaan.

Xasan Cali Kheyre ayaa waxa uu ahaa ra’iisul wasaarihii ugu waqtiga dheeraa Soomaaliya wixii ka dembeeyay dowladihii dalka soo maray burburkii kadib.

Kheyre ayaa loo magacaabay ra’iisul wasaare inuu ka noqdo 23kii Febraayo  2017. Waxaa codka kalsoonida siiyay xildhibaanada baarlamaanka 1dii bishii March 2017kii waxana ansixisay xildhibaano gaaraya 231.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email