Degdeg: Baarlamaanka oo Kalsoonidii kala laabtay Xukuumadda ra’iisul wasaare Kheyre

Wararka ka imaanaya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan uu ku dhawaaqay in mudanayaasha Baarlamanku ay maanta kalsoonidii kala noqdeen xukumaadda Ra’uusul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Ra’uusul wasaare, Xasan Cali Kheyre

Mursal oo saxaafadda kula hadlay Muqdishu ayaa sheegay in codeyn uu u qaaday kalsooni kala noqoshda xukumadda ay keentay in 170 mudane ay kalsoonadii kala laabteen xukuumadda, halka 8 xildhibaanna ay diideen.

Waxa uu sheegay in kalsooni kala noqoshada xukumadda ay timid ka dib marka sida uu yiri ay ku guul dareysatay fulinta waajibaadkii loo igmaday, sida in dalka ay gaarsiiso doorasho qof iyo cod ah, hirgelinta maqaamka caasimadda, meel marint dastuurka, in dalka si rasmi ah looga hirgeliyo axsaab siyaasadeed iyo wax ka qabashada ammaanka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa dhinaca kale shirkiisa jaraa’id ugu baaqay Madaxweynaha in uu soo magacaabo ra’iisalwasaare cusub.

Sababaha uu guddoomiye Mursal sheegay in xukuumadda lagu riday

Guddoomiya Mursal ayaa ku eedeeyay xukumadda Kheyre inay ku guul dareystay arrimo dhowr ah oo muhiim u ahaa qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah. Qodobada uu Guddomiye Mursal sheegay inay xukumadda Kheyre ka gaabisay waxaa ka mid ah:

Guddoomiyaha baarlamaanka federaalka ah Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan
  • Diyaarinta hanaan iyo qorshe cad oo lagu gaaraya doorasho qof iyo cod ah 2020/2021
  • Dhameystirka federaaleynta heerarka kala duwan
  • Go’aan ka qaadashada maqaamka caasimadda ka hor wakhtiga doorashada
  • Afti u qaadista iyo melemarinta dastuurka
  • Hirgelinta nidamka axsaabta siyaasadeed
  • Diyaarinta ciidmo amniga sugan heer federaal iyo dowlag goboleed ah doo sugo amniga doorashada
  • Diyaarinta qoondadii dahqaale ee lagu qabna lahaa doorashada oo ana lagu soo darin miisnaayidda 2020
Xildhibaano ku tilmaamay sharci darro ridista xukuumadda

Mudanayaal iyo xubno ka tisan Golaha Wasiirada oo kullanka baarlamanka ee maanta fadhiyay ayaa diiday sharci darrana ku tilmaamay go’aankan.

Waxa ay sheegeen in go’aanku uu ahaa mid Gudoomiyaha Golaha Shacabka ka yimid, isla markaan aan sharciyad heysan.

Wasiirka Amniga, Maxamed Abuukar Islow Ducaale

Wasiirka Amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale oo isna shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in wixii maanta ka dhacay Xarunta Villa Hargeisa ay aheyd fowdo, iyadoo baarlamanka la horgeeyay ajendihii loogu yeeray mid aan aheyn.