Ciidamda Soomaaliya oo howgal qorsheysan ku dilay xubin ka tirsan kooxda Alshabaab

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa waxay sheegeen iney weerareen deegaanka lagu magacaabo Urunji oo ku yaalla gobolka Shabeellaha hoose, halkaaso oo ay sheegeen iney ku taallay maxkamad Al-shabaab ay ku kala saari jireen dadka u dacwa taga, sida hadalka loo dhigay.

Taliyaha Ciidamada kumaandooska Danab qeybta 16-aad Gaanshaanle Ismaaciil Cabdimaalik Maalin oo la hadlay raadiyaha ciidamada ee SNA Radio ayaa waxa uu sheegay iney dileen 5 xubnood oo laba kamid ah ay yihiin mas’uuliyiin ka tisan Kooxda Al-shabaab.

“Waxaan dilnay Cabdullaahi Dhagool oo Al-shabaab u qaabilsanaa uruurinta sakaawaadka iyo Shiikh Maxamed oo ahaa mas’uul Al-shabaab u qaabilsanaa maxkamad ku taallay deegaanka Ugunji, iyo seddex maleeshiyo ah oo ilaalinayay , kuwaas oo isku dayay iney dagaallamaan “ ayuu taliye maalin u sheegay SNA Radio .

Waxa uu intaa  ku daray iney sii daayeen dhowr qof oo maxaabiis ahaan ugu xernaa Al-shabaab. Hase-ahaatee ma uu tilmaamin wax khasaare ah oo dhankooda soo gaaray.

Dhinaca kale ma jiraan wax war ah oo kasoo baxay dhinaca Al-shabaab oo ku aaddan weerarkaasi ciidamada kumaandooska dowladda Soomaaliya ay sheegen iney ku qaadeen deegaanka Urunji ee Gobolka Shabeellaha hoose.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email