Ciidamada sida qaas u tababaran ee Haramcad oo laga saaray magaalada Dhuusamareeb

Ciidamada loo yaqaan HARAMCAD oo ka mid ah ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa laga daadgureeyay magaalada Dhuusamareeb iyagoo dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho.

Ciidamadan oo la sheegay inay tiradooda ku dhawdahay 200 oo askari, ayaa ku sugnaa magaalada Dhuusamareeb dhowrkii bilood ee la soo dhaafay.

Talaabadan ayaa ka dambeysay kadib markii dalab uu ka yimid madaxweynayaasha maamulada Jubbaland iyo Puntland, kuwaasi shuruud ka dhigay bixitaanka ciidamada si ay kaga soo qayb galaan shirka ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb .

Ammaanka magaalada Dhuusanareeb ayaa maanta aad loo adkeeyay, iyadoona wadooyinka la dhigay ciidamo aad u fara badan, kuwaasi oo sugaya amniga madaxda dowlad gonoleedyada

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email