Banaanbax rabshado wata oo ka socda magaalada Laascaanood iyo ganacsiga oo xiran

Waxaa maalintii labaad magaalada Laascaanood ee gobolka Sool ka socda banaanbax rabshado wata oo ay dhigayaan qaar kamid ah dadka ku shaqeysta mootooyinka Bajaajta ee ku nool magaaladaas.

Banaanbaxaan ayaa ka dambeeysay kadib markii ciidamada booliska Somaliland ay xir xireen qaar badan oo kamid ah darawalada Booto Bajaajta oo diiday in ay qaataan liisimada lagu wado mootooyinka.

Darawallada mootooyinka ayaa sheegay in aysan awoodin in ay bixiyaan lacagaha ay tahay in ay bixiyaan si ay u helaan liisimada.

Arrintaan ayaa sababtay in dhamaan ganacsiyada iyo goobaha kale ay xirmaan.

Illaa iyo hadda majirto cid ka tiran maamulka magaalada iyo saraakiisha booliiska oo ka hadashay arrintaan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email