Ardayda Soomaaliya oo maanta imtixaadka fasalka 8-aad u fariisatay

Waxaa Imtixaanka shahaadiga ah fasalka 8aad ee Dugsiga Dhexe u fadhiisan doona maanta Ardeyda ku sugan magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka.

Gobolka Banaadir waa markii ugu horreysay ee laga qaadaayo Imtixaanka dugsiga dhexe, waxaana horray u socday mideynta imtixaanada dugsiyadda Sare.

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Goodax Barre ayaa hambalyo u diray ardayda maanta u fadhiisanaysa imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga Dhexe.

“Waxaan hambalyo u dirayaa ardayda fasalka 8aad ee maanta u fadhiisanaysa imtixaanka shahaadiga ah ee Dugsiga Dhexe. Waxaan idin rajeynayaa guul iyo natiijo aad ku faraxdaan”ayuu yiri Wasiir Goodax.

Imtixaanka ayaa la filayaa in uu maanta si wadajir ah uga billawdo maamul goboleedyada dalka iyo gobolka Banaadir, waana markii ugu horreysay oo imtixaanka dugsiga dhexe si lagu qabto dalka kaddib burburkii dowladii dhexe.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email