Soomaaliya oo sheegtay xilliga dib loo furayo duulimaadyada caalamiga ah

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay dib u fureyso duulimaadyada caalamiga ah iyo dhammaan adeegyadii kale ee bartamihii bishii March loo joojiyey cudurka COVID-19 dartiis. Qoraal kasoo baxay Golaha Wasiirada ayaa lagu yiri “Golaha wasiirrada JFS ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho waxay ku ogolaadeen in dib loo furo dhammaan adeegyadii loo hakiyay sababo la […]

Odayaal iyo waxgarad dalbady in shuruud la’aan lagu sii daayo guddoomiyaha guud ee Astaan Cable

Odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed oo maanta kulan isugu yimid magaalada Muqdisho ayaa sharci darro ku tilmaamay xarigga Cabdimanaan Yuusuf Maxamed, guddoomiyaha guud ee Astaan Cable, uu muddo 15 cisho ugu xiran yahay magaalada Hargaysa. Kulankaan oo ay ka soo qabgaleen odayaal gaaraya 30 oday dhaqameed oo isugu jira Ugaasyo, Salaaddiin, Wabarro, Imaamyo, Nabaddoono, Garaadyo iyo […]

Shirka golaha wasiirada oo Soomaaliya lagu ansixiyay xubno ka mid noqonaya Golaha Addeegga Garsoorka

Shir ay yeesheen golaha wasiirrada jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya ayaa lagu meel mariyay shanta xubnood ee bannaanka ka imaanaya oo ka mid noqonaya golaha adeegga garsoorka dalka. Xubnaha goluhu ansixiyay ayaa kala ah Cabdulqaadir Sheekh Ismaaciil Aw-xaashi, Cali Maxamuud Xasan (Sheekh Cali Wajiis), Cabdullaahi Cali Cismaan, Cabdiraxmaan Maxamed Axmed (Cadaani) iyo Ifraax Maxamuud Cumar shirka oo […]

Golaha wasiirada Soomaaliya oo ansixiyay xubnaha guddiga farsamada ee doorashooyinka

Golaha wasiirrada ayaa lagu ansixiyay xubnaha guddiga farsamada heer Federaal iyo heer gawlad goboleed ee ka baaraan degaya talooyinka la xiriiri hannaanka iyo habsami u socodka doorashootinka dalka. Qodobka 5aad ee warmurtiyeedka shirka Dhuusamareeb 2 oo ay ka qayb galeen madaxda dowladda federaalka iyo dowlad gobaleedyada ayaa lagu shaaciyay sameynta guddi farsamo oo ka baaraan […]

Madaxweynaha Mareykanka oo soo jeediyey in dib loo dhigo doorashada Mareykanka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa maanta soo jeediyey fikrad uu ku doonayo in dib loogu dhigo doorashada madaxweynaha Mareykanka ee dhaceysa saddexda bisha November. Trump ayaa, isaga oo aan soo bandhigin wax caddeymo ah, waxa uu mar kale ku celiyey sheegashadiisa ah in codeynta lagu soo diro boostada ay tahay qiyaameyn, wuxuuna soo jeediyey in […]

Siihayaha xilka ra’iisul wasaaraha oo xariga ka jaray qeybta karaantiilka COVID-19 ee isbitaalka Banaadir

Siihayaha ra’iisul wasaaraha Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta xarigga ka jaray qeybta karaantiilka COVID-19 ee isbitaalka Banaadiroo loo qalabeeyay si casri ah. Wasaaradda caafimaadka iyo shirkadda Hormuud ayaa iska kaashaday dhismaha iyo qalabeynta lagu sameeyay qeybta karaantiilka COVID-19 ee isbitaalka Banaadir oo laga hirgeliyay gudaha isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Banaadir. Qeybta karaantiilka COVID-19 ee Isbitaalka […]

Xasan Sheekh oo faahfaahiyey kulan ay la yeesheen guddoomiyaha baarlamaanka

Guddoomiyaha Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka UPD ahna Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa faahfaahin ka bixiyay kulan ay 28kii bishan ku yeesheen magaalada Muqdisho Guddoonka Golaha shacabka iyo Hogaanka Madasha Xisbiyada Qaran. Kulankan oo siyaabo kala duwan loo fasirtey dhacayna maalmo kadib markii uu guddoomiyaha baarlamaanka ka horsheegay kulankii baarlamaanka in la […]