Taliyaha ciidamada xoogga Soomaaliya oo digniin adag soo saaray

Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya Sarreeye guuto Odowaa Yuusuf Raage ayaa digniin culus ka soo saaray dadka isticmaalaha astaanta iyo dareeska ciidamada xoogga dalka. General Odawaa oo shir Jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay soo badanayeen shaqsiyaad gaar ah oo isticmaala gaadiid Cabdi Bile ah oo loo ekeeysiiyay kuwa Ciidanka […]

Qabasha doorashada Soo socoto ee Somaliland oo heshiis laga gaaro

Hoggaanka saddexda xisbi ee Soomaaliland ayaa maanta kala saxeexday heshiis rasmi ah oo ku saabsan qabsoomidda doorashooyinka isku sidkan ee goleyaasha deegaanka iyo wakiillada Soomaaliland ee sanadkan 2020. Heshiiskan oo ka koobnaa 8 qodob ayaa ujeedkiisu ahaa in la dejiyo hannaan wada-shaqayneed oo ay yeeshaan dhamaan xisbiyadu oo ay kamid tahay xalinta khilaafaadka, si loo […]

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay geerida ra’iisul wasaarihii hore Xasan Abshir Faarax

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xasan Abshir Faarax oo ku geeriyooday dalka Turkiga. Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Marxuumku u adeegayay dalkeenna, taas oo muujineysa hammiga iyo himilada uu u […]

Guddoomiye Mursal ayaa ka taciyeeyey geerida ra’iisul wasaarihii hore Xassan Abshir Faarax

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman ayaa Ka tacsiyadeeyey geeridi Ku timid Allaha ha unaxariistee ra’isal wasaarihi hore Xassan Abshir Faarax oo maanta ku geeriyooday dalka Turkiga ee uu maalmahaan ku xanuunsanaa. “Anigo Ku hadlaya magaca xildhibaanada iyo Guddonka Golaha Shacabka Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxan tacsi tiiraanyo leh u direynaa […]

Ra’iisul wasaare Kheyre oo ka tacsiyeeyay geerida ra’iisul wasaarihii hore Xasan Abshir

Ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ummadda Soomaaliyeed iyo qoyskii uu ka baxay ra’iisul wasaarihii hore ee dalka, Xasan Abshir Faarax. ”Waxaan tacsi u dirayaa Ummadda Soomaaliyeed iyo Qoyskii uu ka baxay Ra’iisul Wasarihii hore ee dalka Xasan Abshir Faarax. Waxa uu kaalin muhiim ah ka soo […]

Raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax oo geeriyooday

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Abshir Faarax ayaa saaka ku geeriyooday dalka Turkiga, sida ay ehelladiisa xaqiijiyeen. Xasan Abshir Faarax ayaa muddo xanuunsanaa, waxaana uu ahaa 77 sano jir. Xasan Abshir waxa uu xilal ka duwan kasoo qabtay Soomaaliya, isgaoo soo noqday Ra’isul Wasaare xilligii dawladii Madaxweyne Cabduilqaasim Salaad Xasan. Sidoo kale Xasan Abshir […]

Madaxweyne Farmaamjo oo ka tacsiyeeyay geerida madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyeeyay geerida ku timid Alle ha u naxariistee marxuum Maxamed Cabdi Xaashi oo ku geeriyooday dalka Kenya. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in marxuumku uu kaalin mug leh ka soo qaatay aasaaska dowlad goboleedka Puntland, isaga oo noqday madaxweynihii labaad iyo sidoo kale madaxweyne Kuxigeenkii ugu horeeyey ee […]

Wasiirka Cadaalada Soomaaliya oo ka hadlay askari ilaalo u ahaa oo dilay qof shacab ah

Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka hadlay dil uu mid ka mid ah ilaaladiisa u geystey Agaasime Waaxeed ka tirsanaa Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Qaranka. Wasiirka Caddaalada ayaa tacsi u diray qoyskii, qaraabadii iyo eheladii uu ka baxay Marxuum Maxamed Cabduqaadir Cilmi oo ahaa Agaasimihii Waaxda IT-da ee Xafiiska Xeer Ilaalinta […]

Madaxweynihii hore ee Puntland Maxamed Cabdi Xaashi oo geeriyooday

Alle ha u naxariiste Maxamed Cabdi Xaashi madaxweynihii labaad ee Puntland ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Marxuumka oo ka mid ahaa aasaasayaashii Puntland waxaana uu noqdey Madaxweyne kuxigeenkii u horeeyey ee Puntland yeelato, sidoo kale waxa uu noqdey Madaxweynaha Puntland, kadib markii madaxweynihii Puntland loo doortey in uu noqdo Madaxdweynaha Dowladda […]

Ganacsatada Qaadka ee Kenya oo khasaaray lacago badan

Ganacsatada qaadka  Kenya ayaa sheegay inay ku hungoobeen dariiq toos ah oo xagga cirka ah oo ganacsigooda isaga gudbi lahaa Nairobi iyo Hargaysa si ay halkaas u geeyaan Qaadkii dowladda Soomaaliya ay joojisay. Ganacstadu waxay sheegeen in ay ka heleen oggolaansho Maamulka Duulista Rayidka ah ee Somaliland, balse diyaaradii ugu horeysay oo dhawaan isku dayday […]