Xildhibaannada oo maanta ka doodaya matalaada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare

Xildhibaannada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ayaa maalintii 3aad ka doodaya xeerarka dhameystirka Doorashooyinka Qaran, iyadoo shalay Xildhibaannada ay meel mariyeen xeerka Qoondada kuraasta Haweenka oo loo gaar yeelay haweenka ku fadhiya kaliya inay ku tartamaan.

Golaha baarlamaanka ayaa doodi doona Xeerka Matalaada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare iyo Hannaanka gaarka ah Kuraasta Gobolada Waqooyi.

Ajandaha Kulanka maanta ayaa ah Xeerka Matalaada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare iyo Hannaanka gaarka ah Kuraasta Gobolada Waqooyi.

Kulanka maanta ayaa ah mid xiiso leh, oo isha lagu haayo dooda Xildhibaannada ka yeelanayaan labadaas xeer.

Xeerka Matalaada Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare ayaa dhowaan Guddiga Wadajirka ee dhameystirka sharciga doorashooyinka waxaa uu soo gudbiyay in Gobolka Banaadir la siiyay 7 kursi, kaasoo hadal heyn iyo dood badan uu ka dhashay kuraastaas.

Kuraasta Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir ku matalayo ayaa u baahan wax ka bedel in lagu sameeyo dastuurka, maadaama kuraastaas ay dheeri yihiin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa furitaankii kalfadhiga 7aad ee Baarlamaanka labada aqal waxaa uu Xildhibaannada ka codsaday inay ka aqbalaan in Gobolka Banaadir inuu matalaad ku yeesho Aqalka sare.

Hase ahaatee waxaa dad badan ay dood ka keeneen mida mudnaanta leh mataalada Aqalka Sare ee Gobolka Banaadir iyo Maqaamka Caasimadda oo siyaasiyiin badan ay tilmaameen in Baarlamaanka ay aheyd inuu maqaamka ay yeelaneyso Caasimadda ay xeer gaar ah ka soo saaraan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email