Wasiirro ka mid ah Somaliland oo laga helay cudurka Covid-19

Laba ka tirsan golaha wasiirrada Somaliland ayaa  laga helay cudurka COVID-19 sidda ay xaqiijisay Wasaaradda  Caafimaadka.

Sidoo kale waxa jira wasiirro kale oo laga baaray Coronavirus balse laga waayay.

Wasiirka Maalgashiga Somaliland Maxamed Axmed Cawad, ayaa shaaciyay in laga helay cudurka Covid-19.

Bartiisa Twitterka qoraal uu soo dhiggay ayuu sheegay in xaaladdiisa Caafimaad fiican tahay.

Somaliland ayaa ka mid ah meelaha uu sida weyn u sameeyay Cudurka Covid-19.