Soomaaliya oo hambalyo u dirtay Kenya guushii ay ka gaartay Kursiga aan joogtada aheyn ee QM

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dowladda Kenya ugu hambalyeysay guushii ay ka soo hoysay tartanka loogu jiray Kursiga aan joogtada aheyd ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey.

Tartanka Kursiga Qaaradda Afrika ee Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa ahaa mid ay ku loolamayeen dalalka Kenya iyo Jabuuti, waxaana Kenya ay ku adkaatay wareeg labaad ee codeynta kursigaas.

“Waxaan ku kalsoonahay Kenya inay si wanaagsan u matasho danaha gobolkeena.”—–Amb. Axmed Ciise Cawad

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa sheegay inuu kenya uu ka rajeynayo in si wanaagsan ugu matasho Kursigaas danaha Gobolka iyo Afrikaba.

“Anigoo ku hadlaya magaca dowladda iyo dadka Soomaaliyeed, waxaan hambalyo kal iyo laab ah u dirayaa Kenya oo loo doorta xubin aan joogto aheyn oo ka tirsan QM, Waxaan ku kalsoonahay Kenya inay si wanaagsan u matasho danaha gobolkeena”ayuu yiri Amb. Axmed Ciise Cawad oo qoraal kooban ku soo qoray bartiisa Twitter-ka.

Soomaaliya iyo Kenya ayaa xilligan u dhaxeeya khilaaf siyaasadeed oo ugu weyn arrinta muranka badda ee dacwadeeda taala Maxkamadda ICJ, waxaana dad badan saadaalinayaan in olole diblomaasiyadeed ay u adeegsan karto arrintaas, iyadoo ku fadhisa Kursiga aan joogtada aheyd ee Golaha Ammaanka

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email