Somaliland oo Warsaxaafadeed kasoo saartay Shirka Maanta ka furmaya dalka Jabuuti

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa qoraal ku sheegtay in wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Biixi ay gaareen Jabuuti.

Somaliland ayaa Goordhow War kasoo saartay Shirka Maanta oo Axad ah dalka Jabuuti uga farmayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waxaa lagu sheegay in wafdi uu hogaaminayo Madaxweyne Biixi ay gaareen Jabuuti, si ay uga qeyb galaan shirka wada-hadalka ah ee Somaliland iyo Soomaaliya.

Shirka oo saacadaha soo socda furmi doona ayaa waxaa shir Guddoomin doona Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, isla markaana ka qeyb galaya Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed oo lagu casuumay.

Sidoo kale Shirka ayaa waxaa ka qeyb galaya Safiirka Mareykanka ee Soomaaliya Donald Yamamoto, Xoghayaha furinta Ururka Goboleedka IGAD iyo xubno ka kala socda Midowga Yurub iyo Midowga Afrka.

Hoos ka Akhriso Qoraalka kasoo baxay Somaliland;-

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email