Safiirka Qatar ee Soomaaliya oo booqasho ku tagay Kismaayo

Safiirka dalka Qatar ee Soomaaliya Xasan Xamza Asad iyo wafdi uu horkacaayo ayaa goor dhow ka dagay magaalada Kismaayo, safarkaan ayaa ahaa kiisi ugu horeeyay ee safiirka uu ku tago Kismaayo.

Safiirka ayaa xariga ka jaray mashaariic waxbarasho ay fulisay dowladda Qatar gudaha Kismaayo.

Safiirka iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland, sida Madaxweyne kuxigeenka, Wasiirada iyo xubno kale.

Madaxweyne kuxigeenka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan iyo Safiirka Qatar ayaa xariga ka jaray mashaariic waxbarasho ay fulisay dowladda Qatar.

Sidoo kale waxaa la filayaa in Safiirka  Qatar uu la kulmo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Qatar ayaa saameyn weyn ku laheyd siyaasadda Soomaaliya saddexdii sano ee u dambeeyay, tan iyo markii xilka loo doortay Madaxweyne Farmaajo, waxaana siyaasiyiin dhowr ah ay eedeyn u jeediyeen in dhaqaalaha Qatar siiso dowladda Federaalka loo adeegsado burburinta maamul goboleedyada iyo dagaalada siyaasadeed.

Lama oga waxa ay xilligan Qatar ka bedeli doonto siyaasaddeeda gudaha, iyada uu muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo gabogabo yahay, isla markaana doorasho ku soo fool leedahay, waxaana taageerada gaarka ah ee Madaxweyne Farmaajo siiso ku weysay maamulada iyo siyaasiyiinta qaar oo u arka in Qatar dhinac gaar ah u xaglisay.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email