Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo kulan la qaatay raysal wasaare kuxigeenka dalka Qatar

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre oo ku sugan Magaalada Doxa ee Caasimadda dalka Qatar ayaa la kulmay Ra’iisul Wasaare kuxigeenka dowladda Qatar ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda Sheikh Mohammed bin Abdulrahman.

Kulanka u dhexeeyay labada dhinac ayaa waxaa looga hadlay arrimo kala duwan, waxaana qeyb ka ahaa xoojinta xiriirka dhaxeeya Soomaaliya iyo Qatar.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo jimcihii u ambabaxay dalka Qatar ayaa wax war ah laga helin safarkiisa.

“Sharaf ayey ii ahayd in kulan miro dhal ah aan Dooxa kula qaatay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dowladda Qatar. Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka labada dal, iskaadhiga dhaqaalaha iyo aminga” ayuu yiri Ra’iisul Waasare Kheyre.

Ra’iisul Wasaare Kheyre oo jimcihii u ambabaxay dalka Qatar ayaa wax war ah laga helin safarkiisa, mana jirin wararkii looga bartay oo Xafiiskiisa Warfaafinta ka soo saari jiray safaradiisa dibadda.

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hogaaminayo oo uu ku jiro Gudoomiyaha Bangiga Dhexe ayaa maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Dooxa ee Caasimadda dalka Qatar, iyagoo halkaas u jooga Safar shaqo, sida uu shaaciyay Xafiiska Warfaafinta ee Kheyre.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email