Qarax xoogan oo goor dhaw ka dhacay degmada Wanlaweyn

Waxaaa goor dhaw qaraxa xoogan uu ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeelaha Hoose kaas oo laga wada maqlay dhamaan xaafadaha degmadaasi.

3 ruux ayaa ku geeriyootay halka 3 ruux oo kalana ay ku dhaawacmeen qaraxaan.

Warar hor dhac ah oo ka soo baxaayo degmada Wanlaweyn ayaa sheegaya in qaraxa halkaas ka dhacay uu geystay qasaaro xoogan.

Saddex ruux ayaa ku geeriyootay saddex kalana waa ay ku dhaawacmeen qaraxan oo la sheegay inuu ahaa miinada dhulka lagu aaso.

Qaraxan ayaa la sheegay inuu ka dhacay guri uu degenaa mid ka mid ah saraakiisha ciidamada Milatariga balse xilligaa uu ka maqnaa.

Dadka waxyeeladu soo gaartay ayaa la sheegay inay ka mid ahaayeen ciidamo ku sugnaa guriga. Ciidamada milatariga ayaa dad u xirxirey qaraxan iyadoo la sheegay in baaritaan lagu sameyn doono.