Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay arrimo muhiim iyo xasaasi Ah

Madaxweynihii hore ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah, gaar ahaan doorashada 2020/21 iyo sidoo kale matalaadda gobolka Banaadir.

Xasan Sheekh ayaa si aad ah u dhaliilay warbixinta guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka, wuxuuna shaaciyey in laga damacsan yahay muddo kororsi hor leh.

Sidoo kale wuxuu dhanka kale soo dhaweeyey go’aankii Golaha Shacabka ee ku aadanaa ansixinta matalaadda gobolka Banaadir oo Aqalka Sare ku yeelan doono 13 xubnood.

Halkan hoose ka aqriso hadal-jeedinta madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamed.

Horudhac

Waxaan marka hore hambalyo u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee u dabbaaldageysa usbuuca xorriyadda Soomaaliyeed. Sida maalinta xorriyadda ee gobollada waqooyi iyo walaalaheen reer Jabuuti iyo munaasabadda soo socota ee 1da Luulyo ee lixdanguuradii ee xorriyadda iyo midnimada jamhuuriyadda Soomaaliya.
Shalay oo ay taariikhda ahayd 27kii June, 2020, golaha shacabka ee baarlammaanka federaalka Soomaaliya (BFS), waxaa ka dhacay laba arrimood oo kala ah:
1. Matalaadda gobolka Banaadir ee Aqalka sare, iyo,
2. Hadal jeedinta Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ).

Matalaadda Gobolka Benaadir

Usbuucii la soo dhaafay golaha shacabka waxaa la horkeenay mooshin lagu soo bandhigay Matalaadda Gobolka Banaadir ee Aqalka Sare. Dadaal dheer ka dib maanta waxaa la ansaxiyay 13 xubood oo mustaqbalka ku matali doonto Benaadir aqalka sare ee baarlammaanka. Waxaa bogaadin usoo jeedinayaa senetarrada aqalka sare ee ku soo daray arrinta Benaadir sharciga doorashooyinka iyo xildhibaannadii golaha shacabka ee u guntaday meel marinta arrinkaas. Waxaan leeyahay dhammaan mahadi ha idinka gaarto, abaalka dadaalkoodane yaan la isku dayin in qolo kale ay dafto.

Hase yeeshe, waxaan rabaa inaan wax yar iftiimiyo waxa dhimman ee inaan u sii wada istaagno ay tahay. Sida ku cad dastuurka KMG ah ee JFS, aqalka sare wuxuu matalaa danaha Dowladgoboleedyad. Sida aan wada ognahayne Benaadir wali uma sammeysna dowladgoboleed ama maamul ay soo dhisteen dadkiisa si waafaqsan nidaamka federaalka. Sidaas daraadeed, baahida dhabta ah ee gobolka Banadir waa inuu helaa maamul ay soo dhisteen dadka tirada badan ee deggan gobolka si matalaadda aqalka sare ay dhab u noqoto, dadka reer benaadirne ay ugu hoos noolaadaan hoggaan ay raalli ahaanshahooda ku soo dhisteen ayna uga mid noqdaan nidaamka iyo saabaanka federaalka ee uu dastuurka KMG xeeriyay.

Ugu dambeyn, waxaa kale oo dadka reer Benaadir u rajeynayaa inaan indhahooda laga sii jeedin qadiyadda dowlad dhisidda ee qiimaha badan ee xoog iyo xoolaba leh ay ku bixiyeen muddooyinkii la soo dhaafay. Qaddiyaas oo maanta taagan isgoys qatar ah ka dib markii hoggaanka hadda talada haaya uu si bareer ah u diiday laba arrimood oo waaweyn:

1. Waxaa si aan qarsoodi lahayn u diiddan yahay nidaamka federaalka ee ay Soomaalida cusub ku heshiisay iney dib ugu dhisato dowladnimadeeda
2. Qabashada doorasho heer qaran ah oo heshiis lagu wada yahay si loo helo kalsoonida heer labaad ee federaalka oo kala ah dowlad-goboleeyada iyo midda saamileyda kale sida xisbiyada siyaasadeed iyo guud ahaanba kalsoonida shacabka Soomaaliyeed.

Doorashooyinka qaran

Waxaa la jooga waqtigii ay dhici lahayd doorashada qaran ee xilli-xileedka hay’adaha dastuuriga ah ee heer federaal. Shalay oo taariikhdu ahayd bisha Juun 27, 2020 waxaa golaha shacabka hadal jeedin ka sammeeyay guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Doorashooyinka Qaranka (GMDQ), Marwo Xaliima Ismaaciil Ibraahim. Hadaljeedinta guddiga oo muddo laga wardhowrayay waxay noqotay mid aad looga fajacay oo dadka Soomaaliyeed ka yiraahdeen “TANI TAAN U DHIGANNAYBA MA AHA” li’anna lagama sugeynin muddo kordhin iyo abuurid mugdi siyaasadeed oo hor leh.

Muddo saddex sano ka badan guddiga waxay noo sheegayeen iney doorashada diyaar ka tahay dhankooda. Hase yeeshe, hadal jeedinta guddiga waxaa ka soo baxday iney ummadda Soomaaliyeed u hoosaasiyeen oo waqti xeero faldhaan kala dhaceen ay ummadda usoo dhigeen iney ruux dheereysi u sammeeyaan hoggaan muddo ku dhaw AFAR SANO wax ka qaba waayay doorashada dalka isla markaana xoog iyo xoolo fara badan ku bixiyay burburinta nidaamka federalka ee dalku doortay. Sidoo kale hadaljeedinta guddiga waxaa laga dhadhansa kara muddo kordhin rimman muddo kordhin kale sababaha aan soo sheegi doono awgood.

1. Madaxweynaha iyo xukuumaddiisa waxay muddo dheer ku faanayeen iney wada joogeen muddo ku dhaw AFAR sano.

Hase yeeshee maalin ka mid ah muddadaas madaxweynuhu kama hadlin wax doorasho la yiraa. Haddaba, ninkii doorasho laga sugayay ee aan ka hadlin muddadaas dheer sow shalay afkiisa af aan ahayn looguma hadlin? oo GMDQ nama dhihin Madaxweynaha iyo dhammaan hay’adaha dastuuriga ah (Madaxweynaha, 2da aqal ee baarlammaanka iyo guddoonkooda, afar sano howl doorasho maalinne ma soo hadal qaadin laakin doorasho wey qaba karaan haddii loo kordhiyo muddo xiloodkood ku dhawaad SANNAD amd ka badan. Arrinkaasi “WAA KAAF IYO KALA DHEERI”!

2. Hadal jeedinta guddiga waxaa kale oo ku cad muddo kordhin hoosta ku wadato muddo kordhin kale. Taas waxaa daliil u ah guddigu waxay ku andacoodeen ama ka muuqata hadal jeedintooda asbaabtii keentay dib u dhaca oo ay ugu horreyso hoggaankii iyo hay’adaha ay u tiirinayeen dib u dhaca iney wali ka sugayaan wixii ay ka waayeen muddo AFAR sano ah. “ALLOW RUNEY YAA KU SHEEGA”!

3. Hoggaanka iyo xukuumadda laga dhur sugayo sow ma aha kuwi tan iyo markii ay talada yimaadeen khilaaf iyo burburin ku waday dowladaha xubnaha ka ah federaalka.

4. Madaxweynaha wuxuu horay u ballan qaaday ineysan jiri doonin wax muddo kororsi ah, taasoo uu ku tilmaamay iney lumineyso kalsoonida lagu qabo dowladnimada. Sidaas daraadeed wax la aqbali karo ma aha inuu maanta noogu soo dul gabbado GMDQ isagoo raadinayo muddo kororsi.

5. Sidii aan horay u soo sheegay, fidnada iyo qalalaasaha maanta ka dhex taagan labada aqal ee baarlammaanka waxaa aad uga muuqda faraha madaxweynaha oo shalay aqalka sare KOORAMKII ku waayay faragelin qaawan awgeed.

Baaq

Madaxweynaha JFS, waxaan ugu baaqayaa inuu dhago laab u daloola ku dhageysto baaqeyga:
1. Waqti ayaa horay dalka iyo dadka uga soo lummay ee fadlan mid kale ha kasii luminin.
2. Waqtiga yar ee ka haray xilli-xileedkaaga hal arrin ayuu ku filan yahay. Kaas oo ah inaad u istaagto in doorashada loo helo heshiis siyaasadeed si awoodda xukunka si nabad ah loola kala wareego ama si sharci ah mar kale laguugu soo doorto.

Gunaanad

Walaalayaal, doorashadii ugu dambeysay ee dimoqraadiga ahayd ee dalkaan ka dhacday oo ay ka soo wareegtay in ka badan 50 sano, qaladaad ka dhacay awgeed, waxay dalkaan iyo dadkiisa u keentay ma hadho siyaasadeed oo ilaa hadda taagan. Sidaas daraadeed, Soomaaliya ma xammili karto qalad kale oo taariikhi ah oo dhaca xilli ay ka soo bogsaneyso jahawareer muddo dheer ay la soo tacaaleysay.

Sidaas daraadeed, qofka ama kooxda maanta diiddan wadatashi siyaasadeed oo la gaarayo heshiis siyaasadeed oo wada-oggol ah waa QARAN DUMIS IYO DOWLAD DIID, ha ku soo gabbado GMDQ ama ha soo mare jid kale e.

Waxaan madaxweynaha JFS ugu duceynayaa in Ilaahey tubta toosan iyo talada toosan waafajiyo
Waxaan rabaa dadka Soomaaliyeed inaan u sheego, kororsiimada uu madaxweynuhu u hanqal taagayo ma aha mid ku kooban isaga oo kaliya ee waxay gadaal ku wadataa kororsiimmayaal badan oo kala ah:

1. Kororsiimmo Xilli-xileedka Madaxweynaha.
2. Kororsiimmo Xilli-xileedka Xukuumadda.
3. Kororsiimmo Xilli-xileedka Golaha Shacabka.
4. Kororsiimmo Xilli-xileedka Aqalka Sare.
5. Kororsiimmo Xilli-xileedka GMDQ.
6. Xilli-xileedka guddiyo kale oo dhacaya.
7. IWM

Ugu dambeyntii, waxaan ummadda Soomaaliyeed ugu duceynayaa in Ilaahey tubta toosan iyo talada toosan waafajiyo.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email