Madaxweyne Farmaajo iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo goor dhaw ka ambabaxay dalka ‘sawirro’

Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa goor dhow u ambabaxay dalka Jabuuti, halkaasoo uu maanta ka furmayo wada hadalada Soomaaliya iyo Somaliland oo uu soo qaban qaabiyay Madaxweynaha Jabuuti.

Xubnaha Wafdiga Madaxweynaha ee ka qeyb galaya wada hadalada ayaa waxay isku jiraan 3da hanaan qeybood ee dowladda.

Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa hal diyaarad u raacay Jabuuti, waxaana goor dhow diyaaradda ka kacday garoonka Muqdisho.

Xubnaha Wafdiga Madaxweynaha ee ka qeyb galaya wada hadalada ayaa waxaa ka mid ah Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiirka Batroolka C/rashiid Maxamed Axmed, Wasiir kuxigeenka Dastuurka Xuseen Cabdi Cilmi, Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim iyo Guddoomiyaha Guddiga madaxa bannaan ee dib u eegista Dastuurka.

Shirka ayaa u dhici doona dhowr qeybood, waxaana qeybta hore ee furitaanka ka wada qeyb geli doona Madaxweyne Farmaajo, Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, dowladda Mareykanka, Midowga Yurub iyo Midowga Afrika.

Waa shirkii u horreeyay noociisa ee labada dhinac uga qeyb geli doonana wafuud culus, waana markii u horeysay oo dowladda Soomaaliya ugu qeyb geli doonto Wada hadalada Somaliland, iyadoo saddexda Mas’uul ugu sareysa dalka ka wada qeyb galayaan.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email