Madaxweynaha Soomaaliya oo xarigga ka jaray Garoonka Ciyaaraha Muqdisho oo dib loo dhisay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xariga ka jaray garoonka ciyaaraha ee Muqdisho, Studium,kadib markii la soo geba beeyey dib u dhis ballaaran oo lagu sameeyey garoonkaasi oo uu saameeyey burburkii dalka muddo ku dhow 3o sano.

Madaxweyne Farmaajo ayaa laaday Kubaddii ugu horeysay ee lagu ciyaaro Stadium Muqdisho ka gadaal markii dib loo dhisay.

Munaasabadda furitaanka garoonak waxaa ku wehliyay madaxweynaha mas’uuliyiin isugu jira raiisul wasaare kuxigeenka dalka,wasiiro xildhibanno guddoomiyaha gobolka Banaadir iyo saraakiil kale.

Kubaddii u horeysay Madaxweyne Farmaajo ayaa laaday, sidoo kale Madaxweynaha ayaa boggaadiyay dadaalka dib u dhiska Garoonka Stadium Muqdisho.

Garoonka Stadium Muqdisho ayaa ka mid ahaa goobihii ku burburay dagaalada, waxaana 13-kii sano ee u dambeysay aheyd goob ciidan, sida Al-Shabaab oo mar ay gacanta ku hayeen sanadihii 2009-kii illaa 2012, sidoo kale Ciidamadii Itoobiyaanka ayaa saldhig u aheyd sanadihii 2007 illaa 2009, Ciidamada AMISOM ayaa xarun u aheyd Garoonkaas tan iyo sanadkii 2012 oo ay ka saareen Al-Shabaab.

Halkaan hoose ka daalaco sawiarada furitaanka Garoonka Stadium Muqdisho;-

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email