Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay Sharciga Duulista Rayidka oo ay hore usoo ansixiyeen Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee Barlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

War kooban oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya, laguna daabacay barta Facebooka ee Villa Somaliya ayaa looga mahadceliyay Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka, Xildhibaannada, Xukuumadda iyo khubaradii Soomaaliyeed ee qeybta ka qaatay sharcigan dhaxal reebka ah.
Madaxweyne Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray waxaa uu xilka Maareeyaha Guud ee Hey’adda Duulista Rayidka u magacaabay Axmed Macalin Xasan oo muddo labo sano ahaa Sii hayaha Maareeyaha Hey’adda Duulista Rayidka.

Axmed Macalin Xasan ayaa muddo labo sano ku dhow xilkaas sii haye ka ahaa, kaddib markii xilka laga qaaday Maareeyihii hore Yuusuf Cabdi Cabdulle oo ka mid ahaa saaxibada Madaxweyne Farmaajo.