Madaxweynaha Soomaaliya iyo Wafdi uu hogaaminaayo oo goor dhaw ka degay Jabuuti ‘sawirro’

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ayaa goor dhaw ka gaaray dalka Jabuuti halkaas oo ay kaga qeyb galayaan shirka wadahadalka Soomaliland iyo Soomaaliya.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa si habmaamuus sare leh loogu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Jabuuti.

Wafdiga Madaxweynaha oo ay ka mid ah Raiisul Wasaare Xasan Cali Khayre, Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh, Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye, Wasiir K/Xigeenka Dastuurka Xildhibaan Xuseen Cabdi Cilmi, Xeer Ilaaliyaha Qaranka Garyaqaan Suleymaan Maxamed iyo masuuliyiin kale ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey Caasimadda dalka aan walaalaha nahay ee Jamhuuriyadda Jabuuti.

Waxaa wafdiga Madaxweynaha si habmaamuus sare leh ugu soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha ee Jabuuti Ra’iisul Wasaaraha dalkaasi Mudane Cabdulqaadir Kaamil Maxamed iyo xubno ka tirsan Goleyaasha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Jabuuti

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa Isla maanta halkaas kaga qeyb galaya wadahadallo walaaltinimo oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo walaalaheenna Soomaaliland, iyadoo gogosha wadahadalladan uu dhigay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an in xal waara oo miro dhal ah laga gaaro tabashooyinka walaalaheenna Soomaaliland, lana xaqiijiyo mabaadi’da Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku dhisan talo wadaagga, is ogolaanshaha, cadaaladda, wadajirka iyo isku duubnida.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email