Madaxtooyada oo ka warbixisay Kulankii Dowladda iyo Maamul Goboleedyada

Madaxtooyada Soomaaliya oo ka warbixisay Kulankii hordhaca ahaa ee madaxweynaha dalka uu la qaatay maanta madaxda Maamul Goboleedyada dalka.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay adkeynta wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo guddoomiyey kulan hordhac u ah Shirka Amniga Qaranka oo ku qabsoomay aaladda Internetka ayaa Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uga warbixiyey wadahadalladii Jabuuti uga furmay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Madaxweynaha ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay adkeynta wadashaqeynta Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, taas oo muhiim u ah xaqiijinta yididiilada shacabka Soomaaliyeed ee dowladnimada iyo dib u soo celinta qarannimadeena.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xusuusiyey Madaxda ka qeyb galay kulankan muhiimadda wadajirka iyo in loo tanaasulo danta guud, iyada oo la ilaalinayo dowladnimadeenna oo shacabka Soomaaliyeed ay geliyeen maal iyo muruqba.

Dhankooda, Madaxda ka qeyb galay kulankan ayaa soo bandhigay sida ay uga go’an tahay in la sii amba qaado qorsheyaasha dowlad dhiska iyo horumarka dalka, iyaga oo wadajir u soo dhaweeyey qorshaha Madaxweynaha Jamhuuriyadda ee ku saleysan wadatashiga, is-ogolaanshaha iyo u tanaasulka danta guud.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email