Maamulka Puntland oo war kasoo saaray baaqii Aqalka Sare

Puntland ayaa sgeegtay in shir wadatashi ah la qabto ugu dambeyn 20-ka bisha June.

Puntland ayaa siweyn usoo dhoweysay hadalkii kasoo yeeray guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee ahaa in la qabto shir wadatashi ah oo ay isugu yimaadaan dowladda Federaalka, dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda, si looga tashado qabashada doorasho heshiis lagu yahay.

War saxaafadeedkan ayaa lagu sheegay in shirkaas la qabto ugu dambeyn 20-ka bisha June, isla markaana aanay ka qeyb geli doonin haddii shirkaas la qabto kaddib 27-ka bishan oo la filayo in Baarlamaanka warbixin ka jeediso Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Madaxa bannaan.

War saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada Puntland ayaa lagu sheegay in Madaxda dowladda Federaalka aysan weli ka soo jawaabin gogoshii Puntland ay fidisay kaddib shirkii Wadatashiga Puntland ee dhacay bishii March ee sanadkan magaalada Garowe, welina gogoshaas ay sideedii u fidsan tahay

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyay dowladda Federaalka inay ka caga jiiday in Madaxweynaha Puntland uu safar gogol xaar u ah uu ku tago magaalada Muqdisho, si looga wada hadlo qabsoomida gogosha ay fidisay Puntland.

Waxaa lagu eedeeyay dowladda Federaalka inay qas siyaasadeed iyo mid amni ka wado maamul goboleedyada, ayna u adeegsaneyso dhaqaale kicinta bulshada ku dhaqan maamul goboleedyada.

Halkan hoose ka akhriso War saxaafadeedka:-

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email