Kulan diirada lagu saarayay Doorashada 2020/21 oo lagu qabtay Muqdisho

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray Xeerka Xisbiyda iyo hanaanka diiwaangalinta rasmiga ah.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa kusoo idlaaday kulan socday sedex maalin oo ay isugu yimaadeen Komishineerada, Agaasimayaasha, Maareyayaasha iyo la-taliyaasha Guddiga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka.

Kulanka ayaa waxaa diiradda lagu saaray Xeerka Xisbiyda iyo hanaanka diiwaangalinta rasmiga ah, ansixinta qoraallada jadwalka doorashooyinka & miisaaniyadda,  Iswaafajinta shuruucda, qaab dhismeedka istiraatijiyada & hanaanka fulinta shaqada Guddiga, Hanaanka xalinta khilaafaadka ka dhasha doorashada iyo amniga doorashada.

Sidoo kale shirka waxaa aad loogu lafa guray warbixinta afar biloodlaha ah ee Baarlamaanka laga horjeediyo afartii biloodba mar.

Guddoomiyaha GMDQ Xaliima Ismaaciil Ibraahim oo soo xirtay kulanka ayaa la dardaarantay hawl wadeennada kala duwan ee Guddiga iyadoo ku amaantay shaqadii wanaagsaneed ay soo qabteen, iyadoo sidoo kalana u tilmaamtay shaqada adag ee dhiman.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email