Kooxda Alshabaab oo madafiic ku weeraray ciidamada AMISOM ee ku sugan Balcad

Wararka laga helayo degmada Balcad ee gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in xalay halkaasi ay weerar madaafiic ah isku weeydaarsadeen ciidamada AMISOM ee ku sugan degmadaas iyo kooxda Alshabaab

Dagaalamayaal ka tirsan Alshabaab ayaa waxaa la sheegay in weerar madaafiic ah ku qaadeen saldhig agagaarka warshadii hore ee Dharka ee ku taalla xaafada Xaawa Taako oo xero ciidan u ah AMISOM

Dad ku sugan Balcad ayaa Xorriya Online waxaa ay u sheegeen in ciidamada AMISOM dhankooda ay ku jawaabeen madaafiic dhowr ah, kuwaas oo ku dhacay beero ku yaalla duleedka magaalada.

Bulshada ku nool magaalada ayaa waxaa ay sheegeen in labadii habeen ee la soo dhaafay ay cabsi ballaaran soo wajahday kadib markii ay soo bateen weerarada madaafiicda ah ee lagu qaado saldhiga ciidamada AMISOM.

Sabtidii la soo dhaafay ee todobaadkaan ayaa xubno ka tirsan ururka Alshabaab waxaa ay weerar ku qaadeen ciidamo ku sugnaa bar koontorool oo laga ilaaliyo Balcad, waxaana weerarkaas ku dhintay hal askari halka laba kale ay ku dhaawacmeen.

Maamulka degmada Balcad iyo saraakiisha ciidamada millateriga Soomaaliya intaba weli kama hadlin weerarada maalmihii la soo dhaafay kusoo kordhay magaalada Balcad.

Share on facebook
Share on google
Share on twitter
Share on linkedin
Share on pinterest
Share on print
Share on email